Jump to content

Portal:Bahda Qoraxdu Midaysay

Ka Wikipedia
QoraxDusaaWaxaraxirDayaxDhulFarraareFobos iyo DeimosCeresThe main asteroid beltCirjeexDayaxa CirjeexRings of JupiterRaageMoons of SaturnRings of SaturnUraanusMoons of UranusRings of UranusNeptuneMoons of NeptuneRings of NeptunePlutoMoons of PlutoHaumeaMoons of HaumeaMakemakeS/2015 (136472) 1The Kuiper BeltErisDysnomiaThe Scattered DiscThe Hills CloudThe Oort Cloud

Bahda Qoraxdu Midaysay

Bahda Midaysay Qoraxdu (Af Ingiriis : Solar System; Af Carabi : ar‎) waa qoraxda, 8da meere, dayaxyo badan oo ku wareega meereyaasha, dhowr duniyar iyo tiro badan oo dhagaxaan, baraf iyo hawoooyin ah; kuwaas oo dhammaantood ku wareega qoraxda oo badhtanka ku taala. Bahda Qoraxdu Midaysay waxay ka tirsan tahay nidaamka Galaagsiyada ee loo yaqaan The Milky Way. Waxaana la sheegaa in meerayaasha, dayaxyada, dunidayar iyo dhammaan walxaha ku jira bahdan ay sameeysmeen wakhti hada laga joogo 4.5 bilyan oo sano ka hor. Inta ugu badan cufka iyo mugu waxaa laga dhex helaa qoraxda oo ugu wayn dhammaantood, iyo meeraha Cirjeex oo ugu wayn meerayaasha sideeda ah. Afarta meere ee u dhow qoraxda - Waxaraxir, Dusaa, Dhulka iyo Farraare - kuwaas oo loo yaqaano Meere Dhagaxley, waxay inta ugu badan ka samaysan yihiin bir. Dhinaca kale, afarta meere ee banaanka u baxsan ee loo yaqaano Neefaha Waawayn - Cirjeex, Raage, Uraano iyo Docay - kuwaas oo aad uga jidh iyo xajmi wayn meerayaasha dhagaxleyda ah, waxay ka samaysan yihiin neefo. Labada meere ee ugu xajmiga wayn bahda midaysay qoraxdu, Cirjeex iyo Raage, waxay ka kooban jihiin curiyeha haydarojiin iyo hiliyaam, labada ku sii xiga ee Uraano iyo Docay waxay ka samaysan yihiin sheeyo dhalaali kara oo inta ugu badan ah baraf.

Maqaal xul ah

Meere kasta wuxuu ku gedgedoomaa (rotate) xariijin udub-dhexaadkiisa ah taasi oon la arki karin. Gedoonkaasi meere oo ka soo bilaabma bari ilaa galbeed ayaa waxay keentaa maalinta iyo habeenka, sababtoo ah iftiinka qoraxda ayaa kolba dhinac ka mid ah meerahaais u muuqda. Inta u badan meerayaasha Bahda Qoraxdu Midaysay waxay u soo gedoomaan hab waafaqsan wareega saacada, marka laga reebo meeraha Uraano oo asaga lagu wado in uu u gedoomo jiho lid ku ah wareega saacada. Gedgedoonka meerayaashu way kala duwan tahay, meeraha Dusaa waxay ku qaadataa dhowr saacadood inuu dhamaystiro gedoon xidhan, taasi oo ah habeen iyo maalinta Dusaa; halka meerayaasha waawayn ee neefta ah ay ku qaadato maalmo badan iney sameeyaan hal gedoon oo dhamaystiran.

Sawir xul ah

Muuqaalka cirka Cirjeex.

Ma ogtahay...

Ciwaanada ugu muhiimsan

Mashruucyo Bahwadaagta

Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia ee qodobkaan raacsan:

Wikibooks
Buugaag

Commons
Sawirro

Wikinews 
Warar

Wikiquote 
Oraahaha

Wikisource 
Qoraal

Wikiversity
Xogaha waxbarashada

Wikivoyage 
Hagaha safarrada

Wiktionary 
Qaamuus

Wikidata 
Liiska caddeymaha

Wikispecies 
Abla-ablayn

Hooyga muhiimka ah:
Qaaradaha:

Aasiya | Afrika | Antarktika | Ooshiyaaniya | Latin Ameerika | Woqooyiga Ameerika | Yurub |

Portal Bahwadaag la ah:

Carabta | Hiddaha iyo Dhaqanka | Af-Soomaali | Siyaasadda |

Sidoo kale:

Soomaaliya

Bulsho ] Hooyga ]